Waxaa waqooyiga Muqdisho gaar ahaan wadadii halbowlaha gobolka Banaadir berisamaadkii ku socda dayactir balaaran. Dayactirkaan ayaa waxuu ka soo bilowday xarunta Nabadsugida & agagaarka halkii la oran jiray guriga Maama Khadiija ee degmada Cabdicasiis waxa uuna hadda marayaa Daljirka Dahsoon, waxuuna dayactirka laamigaan gaari doonaa ilaa Airport magaalada Muqdisho oo uu dayactir sidaan oo kale ah horey loogu bilaabey.
Hay’ada TIKA oo dhanka horumarka iyo iskaashiga caalamiga u qaabilsan dalka Turkiga oo mashuucan dayactirka wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ku howlan ayaa waxay horey gacan weyn ka geysteen abaarihii ku dhuftay dalka Soomaaliya ayaga oo haddana dalka ka hirgaliyey mashaariic horumarineed taasoo suurtogalisay in dad badan oo Soomaaliyeed, hay’ado iyo dalal kalena ay dalka ku soo dhiiraadaan si ay u maalgashtaan.
Idale News Online