Kashifaad: Wax ka Ogow Amarrada ladul dhigey RW Rooble intii uu socdey kulankii Habar-Khadiija

0
329

faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa kulamo Xasaasi ah oo kadhacey Xaruunta Habar-khadiija oo fadhiisin u ah Hay’ada NISA, kulankaasi oo u dhaxeeyey Raislul cusub ee dalka Eng. Rooble iyo Teliska ugu sareeya Hay’ada NISA.

xog hoose oo aan halney ayaa tilmaameysa in Raisul wasaaradaha Xubnihii lasocodey oo ay kamid ahaayeen Xogheenadiisa gaarka ah iyo lataliyaashiisa laga reebey in kulanka Qeyb ka noqodaan waxaana lasheegey in kulanka dibad joog ka ahaayeen gebi ahaanba.

saraakiil katirsan sirdoonka soomaaliya oo magacooda qariyey ayaa laga soo xigtey in kulanka uu ahaa mid labo geesood ah oo dhaxeeyey Raisul wasaare Rooble iyo Teliyaha Nabad Suggida hereerihiisu fadhiyeen Teliyaha hogaanka Dabagalka Cabdulahi Heere, Xogahaya gaarka ah ee Fahad Yasin, Madaxa Technology-da, Hogaanka Dibada NISA iyo Cabdulahi Kulane jiis ay kuxigeen u ah fahad yasin.

kulanka ayaa daarnaa sidii Raisul wasaaraha ula jaanqaadi lahaa arimaha siyaasada ee isaga ka horeeyey isla markaana ula socodsiin lahaa NISA talaabo kasta kahor inta uusan qaadin.

Teliyaha Nabad sugida ayaa lasheegey in uu sharaxaad kooban siiyey RW Rooble isagoo hadalka ku wareejiyey Teliyaha Hogaanka Dabagalka Siyaasiyiinta Cabdullahi Daahir oo loo yaqaano Cabdullahi Dheere oo ah nin ay saaxiibo dhow yihiin Fahad yaasiin.

ilo xog ogaal ah ayaa sheegey in Teliyaha Dabagalku faahfaahiyey ujeedada kulanka ay ufadhiyaan wuxuuna u dhiibey file ay ku qornaayeen heshiis sir ah oo NISA ay lagashey Kooxda Alshabaab kaas RW loo ogolaadey in uu wax ka ogaado kadibna laga celiyey markuu akhristey.
Isfahamkan ayaa lasheegey in Hogaanka Sare ee NISA lagaleen Kooxda alshabaab Bishii Ramadaan ee Tagtey, kaas oo ah in lshabaab ay joojiyaan qaraxyada magaalada Muqdisho, taa bedelkeedna lacag lasiiyo alshabaab 3dii bilba mar, waxaana lasheegey in uu fududeeyey Heshiiskan Cabdullahi Dheere Teliyaha Dabagalka oo Hore ugu tirsanaan jirey kooxda Alshabaab.

Eng. Rooble Raisul wasaaraha cusub ayaa su’aalo ka keeney Arimaha qaar hase ahaatee waxaa durba hadalo kul kulul kala horyimid Teliyaha Dabagalka isagoona kula kaftamey hadalo umuuqdey handadaad waxaana durba hadalka loo bedeley kaftan sida goobjoogayaalku noo sheegeen.

Teliyaha Dabagalka ayaa kulanka ka dhex sheegey in sanadkaan siyaasiyiin badan ay is hayaan, shaqo badan utaalo, balse Raisul wasaaraha laga rabo in uu dhiso MD Farmaajo wixii kalana isaga dhameystiri doona, wuxuuna carabka ku dhuftey siyaabaha uu ula tacaali doono Siyaasiyiinta kahortimaada qorshaha socoda isagoo uqeybiyey labo qeybood; siyaasiyiinta Xilka haya kuwaas oo uu sheegey in qaabka ugu fudud loola tacaalo ay tahay in lasumeeyo halka kuwa aan Xilka haynin ama laqaarijin karo ama laxiri karo.

hadalkaan ayaa muujinaya qorshayaasha halista ah ee laga yaabo in Teliyaha Hogaanka Dabagalku ku dhaqaaqo.

Abdullahi daahir oo caan ku ah abdullahe dhere ayaa Alshabab dhexdiisa loogu yaqaanaa
Munasar abu faatix iyo magacya kale.