Waxaa shaley oo jimca ah ka dhacay Magaaallada Muqdisho Kullan aad u ballaaran oo ay isugu Yimaaddeen dhalinyarada Beesha Hubeer qaar ka mid ah,.
Kulankan oo Bartamihii Bsihii Ramadaan La qorsheeyay i nuu Qabsoomo 1da bishan August ayaa sidii loogu talagalay u dhacay.
Ajandaha ugu waynaa kullankan waxa uu ahaa sidii ay dhalin yarada beesha ugu bixi lahayd Hogaanka kumeelgaarka ahaa ee Mudadii Dhowrka sano ahaa soo dhisnaa kaasoo uu hogaanka u hayay Mudane Sare Ex Gudoomiye Cabdi waaxid Xuseen Xasan oo ahaaa Gudoomiyihii Dhalinyarada Beesha.
Wada Hadal iyo isla gorfeyn waxaa la Maagacaabay Gudi soo xula Hogaanka Cusub & Gudoomiyaha Howsha sii wadi lahaa waxaana ka mid ahaa Gudigaas soo xulayay Gudoonka cusub : –
1 Sallaad Maxamed Daahir
2 Dr C/rashiid Kuusoow.
3 Ibraahim Macalim Cabdi Kariim.
4 C/Casiis C/llaahi Maxamuud.
5. Cali Adan Weetow
6 Ex Gudoomiye C/waaxid
7 Sallaaado Maxamed.
GUDIGAN WAXA UU SOO XULLAY GUDDIGII BADALI LAHAA GUDOONKII HORE U HAYAY HOGAANKA KU MEEL GAAR AH.
Mudo markii ay arimo Gorfeeyeeen waxa ay soo Xuleen Gudigan cusub ee Hogaanka Dhalin yarada Majaraha u qaban lahaa Laba ka mid ah Dhalin yarada ayaa Gudoomiye ay u xusheen ka dib waxaa loo qaaday cod labadaasina waxa ay kala ahaayeen C/raxmaan Dooyoow & Qaasim Maxamed Abukar,, waxaana cod fartaaga ah Gudoomiye loogu doortay halka sano soo socda Mudane Qaasim Maxamed Abukar,, Halka C/raxmaan Dooyoow Loo doortay Ku xigeenka gudoomiyaha ,, Sidoo kale Waxaa Dhanka Maaliyadda loo doortay C/naasir Kuusoow sidoo kale Dhanka Xiriirka beesha & Isku xirka Dhalinyarada loo doortay Asad Dhayow, Dhanka kale Xoghayn waxaa loo doortay Farxiyo Samaan.
Waxaana rajayanaynaa in Gudoonkan Cusub wax badan ka badalo sidii Beesha Hubeer Dhalinyaroodda Iskugu xiri lahaa Hormar wanaagsana u gaarsiin lahaa.
Adinkana waxaan iddiinka rajeyanaa wallaalayaal in aad Taageero hiil & Hoo aad soo siisan Hogaankan Cusub aana rajeynayno inuu wax badan ka badallo Inshaa Alah.
WABILAAHI TOWFIIQ MAHADASANIDIIN
Asad Dhaayow.
Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo Janaay.