Xaflad lagu soo xiraayo Tartankii Ramadhaan ee Warbaahinta Qaranka oo ka Socota Wasaaradda Warfaafinta

0
316

Idale)-munaasabad lagu soo xiraayo Tartankii Rabadaanka ee ay qabatay Warbaahinta Qaran ayaa ka socota Xaruunta Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dal xiiska xukumadda Soomaaliya waaxana ka qeyb galaya Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukumada Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Sooaamliya.

Munaasabada ayaa Abaal marino lagu gudoonsiin doonaa Degmooyinkii kaalimaha ka galay Tartankii ay qabatay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya kuwaa soo goob-joog ah.

Dhanka kale waxaa Abaal marin lagu gudoosiin doonaa Kooxo ku guuleystay tartan kubada cagta ah oo maalmihii Xoriyada Soomaaliya iyo Kooxdii ku Caareysay Magaca Warbaahinta Qaranka SNTV iyo Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliyeed.