Kulan Looga Hadlayay Horumarinta Xanaanada Xoolaha Oo Lagu Qabtay Degmada Guriceel.

0
230

Kulan looga hadlayo horumarinta xanaanada xoolaha oo ay soo qaban qaabiyeen dhaqaatiirta xoolaha ee ka howlgalla gobolada dhexe ee bartamaha Soomaalya ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu soo gabo gabeeyay degmada Guriceel, kaasi oo laga soo saaray qodobo dhowr ah.

Dr Saleebaan Maxamed Saalax oo ugu horeyn kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulankooda diiradda lagu saaray horumarinta xanaada xoolaha, si dadka gobolladaaasi ku dhaqan ay ugu dadaalaan horumarinta xanaanada xoolaha.

“Shirweynahaan waa shirweynihii sedexaad oo ay qabsadaan dhaqaatiirta xanaanada xoolaha ee gobollada dhexe, waxaana sameysanay urur ay ku mideysanyihiin dhaqaatiirta gobollada Shabeelada dhexe, Hiiraan iyo galgaduud, taasi oo aan filayno inay guul u noqon doonto shacabka gobolladaasi ku dhaqan” ayuu hadalkiisa ku daray Dr Saleebaan.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Taardhuleed oo lagu marti qaaday kulanka ayaa sheegay in dhaqaatiirtu ay howlo badan qabteen, islamarkaana uu maamulkiisu diyaar u yahay in uu ka taageero dhinac walba, loona baahanyahay in ay u dhabar adeegaan howshooda.

Xoolo dhaqato badan oo ku sugan gobollada dhexe ee dalka ayaa si aad ah u soo dhaweeyay kulankii ay shalay Degmada Guriceel ku yeesheen dhaqaatiirta xanaanada xoolaha ee gobollada dhexe ee dalka, maadaama dadka xoolo dhaqata ay ku tiirsanyihiin xanaaneynta xoolaha.
suuqa-xoolaha-Beledweyne-300x225

Idale News Online, Gura-ceel.

xagasho. radiouqdisho.net