Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in AMISOM, IGAD, AU, hay’adaha xidhiidhka la leh AMISOM, Dowlada Somalia , iyo dalalka ciidamada ka joogaan Somalia uu maanta kulan uga furmay magaala xeebeedka Mombasa ee Kenya. Ujeedada kulankaan ayaa lagu sheegay in looga dan leeyahay in looga hadlo xaalada amni ee Somalia iyo sidii loo abuuri lahaa qorshe AMISOM, Dowlada Somalia iyo hay’adaha gobolku ay warbixinada si sahlan isugu dhaafsan lahaayeen.
Kulankan oo soco doona 3 maalmood ayaa waxaa ka qeyb gali doona Hay’ada sirdoonka Somalia, Booliska iyo Militariga Somalia. Lama oga in kulankaan uu la xiriiro warqadii dacwada ahayd ee DFS ka gudbisay ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo. Warbixin la xirrita arintan oo faahfaahsan hoos ka akhriso:
Warbixinta Dowladda Federaalka halkaan ka click garee
Idale News Online