Hiiraan(INO)-Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya, ayaa sheegay dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan inay ku dileen Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo ruux Ajnabi ah sida ay sheegeen Saraakiisha.
Korneyl Isaaq Cismaan oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay weerarka Shabaab ay ku soo qaadeen ciidamada Dowladda ee ku sugnaa deegaanka Baar ee duleedka Degmada Baledweyne inay Khasaaro Shabaabka ku gaarsiiyeen.
Waxa uu tilmaamay in dagaalkaasi ay ku dileen 8 qof oo mid ka mid ah uu sheegay in Ajnabi uu yahay.
“Annaga oo ku sugan deegaanka Baar ayeey nasoo weerareen Al-shabaab, waxaan ka dilnay 8 qof oo Hal qof yahay Ajnabi kaasi oo aan u maleynayo Pakistan inuu yahay, ciidamada Itoobiya ayaa noo yimid, waana soo sawirnay, annaga Hal Askari ayaa naga dhaawacmay.” Ayuu yiri Korneyl Isaaq Cismaan.
Majirto ilo ka madaxbanaan Saraakiisha ciidamada Dowladda oo xaqiijinaya in dagaalkii shalay ka dhacay Gobolka Hiiraan lagu dilay nin Ajnabi ah iyo sideed ruux oo ka tirsanaa Shabaab, inkastoo Saraakiil kale oo ciidamada Dowladda ka tirsan ay sheegeen in 10 ka badan ay ku dileen dagaalkaasi oo Shabaab ka tirsanaa.
Ururka Al Shabaab weli kama aysan hadlin dagaalkaan ka dhacay duleedka Degmada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan oo Saraakiisha ciidamada ay guulaha ka sheeganayaan.
Inta badan dagaalada dhexmara Shabaabka iyo Ciidamada Dowladda lama helo xogta rasmiga ah ee Khasaaraha ka dhasha dagaaladaasi, kasokoow hadalada ay Warbaahinta siiyaan dhinacyada dagaalamay.
Idale News Online, Hiiran