Guddoomiyaha Hay’adda wada hadalka bulshada oo cambaareeyay dilkii Wariye Hindiya Xaaji

0
241

Muqdisho(INO)— Waxaa soo kordhaya cambaareynta iyo baaqyada laga soo saarayo dilkii loo geystay Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo u geeriyootay qarax ka dhashay miino oo gaarigeeda loogu xiray, waxaana Mas’uuliyiintii u dambeysay ee cambaareysay ka mid ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Wada hadalka Bulshada CCD Ciise Axmed Cumar oo in badan soo wada shaqeeyeen.

Guddoomiyaha Hay’adda CCD oo u waramayay Telefishanka Dowladda Federaalka waxa uu sheegay in Weriye Hindiyo ay ahayd gabar howlkar ah isla markaana ahayd geesiyad aan marnaba howlaheeda saxaafadeed u soo dhabar adeygtay xilliyadii adkaa ee uu dalka soo maray.

“Allaha u naxariisto weriye Hindiya Xaaji Maxamed oo ahayd gabar ay xuseyso taariikhda Soomaaliya” ayuu yiri Guddoomiye Ciise Axmed Cumar oo sheegay in dilka gabadha ay ka dambeeyeen kooxo damiir laawayaal ah.

Mar uu ka hadlayay dilalka dadka hormuudka bulshada ah oo ay ka mid tahay Allaha u naxariistee Weriye Hindiya ee Muqdisho loogu geysto, ayuu Md. Ciise Cadde wuxuu farriin u diray dhammaanba shacabka Soomaaliyeed, isagoona ku booriyay inay ka qeyb qaataan sidii sharciga loo hor keeni lahaa kooxaha ka tirsan ururka Al-Shabaab.

“Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho waxaan ka codsanayaa inay ka qeyb qaataan nabadgelyada magaalada, waa inaad ciidamada ammaanka ku soo wargelisaan haddii aad aragtaan kuwa maleegaya shirqoolada lagu ugaarsanayo dadka qiimaha ku leh bulshada dhexdeeda.

wela

Dhinaca kale Guddoomiyaha Hay’adda Wadahadalka Bulshada ee CCD Md. Ciise Axmed Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in dilalka waxashnimada ah ee lagu ugaarsanayo dadka hormuudka u ah shacabka oo kahorjeeda nabadda wakhtigoodu dhammaaday, isagoona sheegay in dilka Weriye Hindiya aanay marnaba niyadda ka jebin doonin howlahooda wacyi gelinta bulshada ah ayna sii laba laabayaan.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here