Kooxda Mayalka Adag Ee Al Shabaab oo Hanjabaad Culus u diray Maamulk Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
167

Baydhabo(INO)-Gudoomiyaha Al Shabaab uqaabilsan Gobollada Bay iyo Bakool Macalin Geedoow ayaa waxa uu ka hadlay maamulka dhawaan loo magacaabay Shariif Xasan Shiikh Adan.

Alshabaab

Waxa uu Geedoow sheegay uguna hanjabay Maamulka Shariif Xasan Hogaamiyo xubnaha ku jira inay beegsan doonaan ayna leyn doonaan.

Geedoow wareysi uu siiyey Idaacada Codka Al Shabaab ku hadasha ayaa sheegay inay si gaar ah udili doonaan Shariif Xasan iyo Xubnaha ku jira maamulkiisa ayna ka go’an tahay weerar iyo cuuryaamin la geliyo maamulkaasi.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dawladihii Kumeel gaarka ahaa ee Somaliya marna kasoo mid noqday Isbaheysigii dib uxoreynta Somaliya ayaa waxa uu dhawaan ku guuleystay doorasho ka dhacday Baydhabo inuu Madaxweyne ka noqdo maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Seddexda Gobol.

Idale News Online, Baydhabo