Kooxda Al- Shabab Ee Soomaaliya Oo Ka Jawaabay Isbaheysiga Islamiga Ah

0
210

Muqdisho(INO)- Ururka Alshabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay isbaheysiga cusub ee ay midooboon ku dhawaad 34 dal oo islaam ah ayna kamid tahay dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Sheikh Cali Cabdulaahi Katiin oo kamid ah saraakiisha Al-shabaab ee dhanka Dacwada ayaa ka hadlay isbaheysiga cusub ee Sacuudiga Tallaadadii ku dhawaaqay kuwaasi oo la dagaalama dhamaan ururada loogu yeero argagixisada ee Daacish iyo Alshabaab.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay iney horey u jireen isbaheysiyo ay lahaayeen reer Galbeedka kuwaasi oo la dagaalamayay dadka muslimiinta, isbaheysiga cusubna uusan waxba dhaamin kuwii horey ula dagaalamayay Islaamka sida uu hadalka u dhigay.

“Midkaan ay maanta sameeyeen waxaan hadda lagu sheegaayo dowladaha Carbeed iyo kuwaan kale, ee Islaamka sheeganaaya, horey ayuu Mareykanka uu asagu u abaabushay. Qaar badanoo ka mid ah oo gacantiisa uu ku dhisay, oo kuwaan hadda Masar ka talinaaya ay ka mid yihiin.

“Sacuudiga weligoodba Mareykanka ayaa ku shaqaysanaayay, mabaadii’da iyo dhaqanka gaalada ayay u sabcinayeen. Dadka Muslimiinta ayay dhibaateeyaan oo meelkasta ay ku xir xiraan, kuna laayaan. Nimanka Mujaahidiinta ah Diinta Ilaahay (SWT) in la koryeela u dagaalamaaya, weligoodba cadow bay ku ahaayeen.”

Sarkaalkaasi hadalkiisa ayaa kusoo beegmay maalmo uun ka dib markii dowlada Sacuudiga ay ku dhawaaqday isbaheysi cusub oo ka dhan ah kooxda Daacish iyo kooxaha kale ee caalamka u aqoonsan yahay argagixiso.

Idale News Online,Muqdisho