Goofgaduud(INO)—Koonfur Galbeed ayaa ciidamo dheeraad ah geysay deegaanka Goof-gaduud oo 30km u jirta magaalada Baydhabo, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay ay weeraro ku soo qaadayeen Al-Shabaab.
Ciidamadan oo ah kuwa booliska ayaa xoojin u ah ciidamadii milateriga ahaa ee horay u joogay deegaanka, waxaana loogu baaqay inay ka feejignaadaan weerarada Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa khamiistii la soo dhaafay weerar xooggan ku soo qaaday deegaanka Goof-gaduud, iyadoo saraakiil u hadashay Koofur Galbeed ay sheegeen in 10 dagaalyahano ka dileen Al-Shabaab.
Taliyaha Booliska Gobolka Bay ayaa ugu baaqay ciidamada inay ka hor-tagaan weerarada Al-Shabaab ka soo qaadaan deegaanka Manaas oo 10km u jirta Goof-gaduud.
Deegaanka Goof-gaduud ayaa ah meel istiraatiiji ah oo laga ilaaliyo amniga guud ee magaalada Baydhabo, waxaana dhowr jeer weeraro Al-Shabaab ku soo qaaday kula wareegtay muddo kooban.