Waxaa hada dhamaaday Khudbadooyinka ay jeedinayeen Musharixiinta u taagan Xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Waxaana Microfoonka lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow.
Gudoomiye Cabdi Aadan Hoosow ayaa salaan diiran ku salaamay Ergooyinka Shirweynaha Koonfur Galbeed iyo Gollaha Guurtida, Wuxuuna Microfoonka ku soo dhaweeyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Saalim Caliyow Ibrow.
Wasiir Saalim Caliyow Ibrow oo aan ka muuqan Farxad buuran ayaa sheegay inay Magaalada Baydhabo ay u yimaadeen Salaan oo kaliya, wuxuuna hadalkiisa kusoo gunaanuday in saacadaha soo socdo ay si gooni ah ula kulmi doonaan Gollaha Guurtida.
Saalim iyo Wafdigiisa ayaa wada istaagay, waxaana marqura fadhiga ka kacay Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Malaaq Xasan Shure oo ku yiri sidee u kici kartaan anigoon hadlin, sidaa ayayna ku fariisteen.
Malaaq Xasan Shure ayaa Microfoonka qabsaday oo yiri waxaa inoo yimid Wafdi kasocda Dowladii aan dhisnay oo ay Wasiiro ka yihiin Ilmihii aan dhalnay, Waxaan leenahay ku soo dhawaada Gacmo Furan.
Malaaq Xasan Shurre ayaa isna hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Erayo Culus oo ay kamid ahaayeen, Ha Jirto Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ha Jabo Cadowgeeda, Waxaa marqura Fadhiga kawada istaagay Ergooyinka Shirka oo Sacabka isla dhacay.
Wafdigaan ka kooban Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa la filaya in saacadaha soosocda la kulmaan Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Idale News Online, Baydhaba.
isha: Ishabaydhaba.com