South Carolina(INO)-Charles Hard Townes ayaa sanadkii 1915-kii, bishii July 28-keedi ku dhashay, degaanka Greenville oo ka tirsan gobolka South Carolina ee Maraykanka
Khabiirkii ikhtiraacay ilayska falaadhaha casaanka ah ee Laysarka “Leser” ka loo yaqaano, Charles Hard Townes ayaa dhintay isaga oo 99-jir ah, waxaana dhimashadiisa shaacisay Jaamacada University of California.
Charles Hard Townes ayaa sanadkii 1915-kii, bishii July 28-keedi ku dhashay, degaanka Greenville oo ka tirsan gobolka South Carolina ee Maraykanka, waxaanu wax barashadiisa ku qaatay California, halkaas oo ku qaatay waxbarashadiisi ilaa uu ka dhamaystay jaamacada University of California.
Townes ayaa sanadkii 1964-kii, ku guulaystay abaal marinta caalamiga ah ee Nobel Nobel Prize gaar ahaan qaybteeda fisigiska Physics ka.
Sida markii taariikh nololeedkii khabiirkani sheegayo, sanadkii 1951-kii, ayuu ikhtiraacay aalada Maser, taas oo sababtuna ay ka dhalatay kulan uu maqaaxi ku taala caasimadda Maraykanka ee Washington kula yeesha khubaro ka tirsan ciidamada bada ee dalka Maraykanka, kuwaas oo ku hawlanaa sidii ay u horumarin lahaayeen qalabka isgaadhsiinta oo wakhtigaas ku shaqayn jiray ama adeegsan jiray, nidaamka mawjadaha gaagaaban.
Idale News Online, South Carolina