Kenya oo su’aal ka keentay sababta Al-Shabaab ay u weeraro uga fuli la’ yihiin dalka Ethiopia!!

0
227

Nairobi(INO)-Iyadoo inta badan Dowladaha Africa ay is weydiinayaan sababta ay Maleeshiyaadka Alshabaab weerarada uga geysanayaan dalalkooda ayaa waxaa hadana uu shaki ka taagan yahay degnaanshaha dalka Ethiopia.

FAARAX-MACALIN

Faarax Macallim oo kamid ah Siyaasiyiinta dalka Kenya, horayna usoo noqday Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Barlamaanka Kenya, ayaa sheegay in Kenya ay Su’aal ka qabto sababta keentay in Alshabaab ay weerar uga geysan la’ yihiin dalka Ethiopia.

Faarax Macallim, ayaa warkaani sheegay xili uu wareysi siinaayay Wargeyska the Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, waxa uuna tilmaamay inay mudan tahay in beesha caalamka ay il gaar ah ku eegto arrintaasi.

Faarax Macallim waxa uu soo hadal qaaday in xogo ay heleen ay muujineyso in Saraakiisha AMISOM ay Maleeshiyaadka Alshabaab ka caawiyaan dhanka Hubka iyo agabka lagu taabagaliyo Ciidamada, waxa uuna meesha ka saaray inay jirto xiriir la’aan ka dhexeysa AMISOM iyo Alshabaab.

Waxa uu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin ilaha Alshabaab ku taageera Hubka ay ku dagaalamaan.

Geesta kale, waxa uu ka digay inay arrimahaasi ay kala dhantaali karaan dadaalka loogu jiro in nabad laga dhaliyo Gobalka.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here