Nairobi(INO)— Afhayeenka Ciidamada Milateriga Kenya Col. David Obonyo ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Qooqaani iyo Afmadow looga dilay 2-askari, halka 5-askari looga dhaawacay.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ka dileen 21 dagaalame, isla markaana ay iska difaaceen weerarkii lagu qaaday kolonyadooda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay furteen hub isugu jira Ak47, bastoolado iyo qoryaha baasuukayaasha sida uu yiri.
Askarta Kenya ee ku dhaawacmay weerarkaas ayaa loo qaaday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi.
Dagaalkii shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Qooqaani iyo Afmadow ayaa waxaa uu ahaa mid xoogan oo ay ka qeyb qaadanayeen diyaaradaha dagaalka Kenya.
Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa wadada loo galay, markii ay ka soo baxeen degmada Dhoobley, waxaana deegaanka uu dagaalka ka dhacay uu ahaa deegana howdo ah.
Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegay in 12 ka tirsan ciidamada Kenya ay dileen, gaadiid dagaalna ka gubeen, isla markaana ay nolosha ku wateen askar Kenyan ah.
Ma jirto warar ka madax banaan oo ku aadan sheegashooyinka labada dhinac ka soo yeeray.
Idale News Online, Nairobi