Kenya oo masaafurineysa Koox Burcad ah oo la magac baxey Super Power iyo Xubno si hoose u maalgalin jirey

0
195

Dowlada kenya oo musaafurines kooxo burcad oo la yiraahdo Superpower iyo ganacsato soomaaliyeed Ilo lagu kolson yahay oo u dhow hayaha amaanka dalka kenya ayaa waxay noo xaqiijin in dowladu Kenya ku eedaysay dowlada Soomaaliya iyo koodax Alshabaab inay ka danbeeyaan kooxo bucada ah oo la magac baxay Superpower iyo Ganacsato Somaaliyeed oo danbiyo waaweyn ka geystay xaafada Islii ee Somaalidu dagto.

<center><iframe width=”460″ height=”330″ src=”http://www.youtube.com/embed/Hm1LvSt6jVA?feature=player_embedded” frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe></center>

kenya

Sedexdii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxa ka dilaacay xaafada islii ee magaalada Nairobi oo Soomaalidu ku badan tahay inay ka dilaaceen kooxo dhalin yaro ah oo burcad ah oo la magac baxay Superpower. kooxahaas oo ka abooray xaafada Islii amaan daro ba’an sida dhac, boob, kufsi iyo weeraro lagu qaado goobaha ganacsatada iyo waliba goobaha lagu cibaadisto sida masaajidyada.

http://www.standardmedia.co.ke/?articleID=2000088737

Hayadaha aminiga ee dalka Kenya sida Booliiska, Cida, iyo waaxda ka hotaga argagisada(Anti-terrorist) waxay gacanta ku dhigeen 200 oo ka tirsan dhalinyaradaas burcad ah iyo gancasto Somaliye oo ka danbeysa burcadaas kuna kaalmeeyo dhaqaale, hub iyo gaadiidba. Hayadaha aminiga ee dalkan Kenya ayaa baaritaankoodii waxay ku ogaadeen in kooxan ay ka danbeyso madax ka tirsan dowlada soomaaliya oo ka gaabsadeen inay magacooda sheegaan iyo kooxada nabad diidka ah ee Alshabaab si khal khal siyaasadeed iyo amin daro looga abuuro magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Sidoo kale, hayadaha aminga ee dalka Kenya waxay ku wareersan yihiin tirada dhabta ah ee burcada waraku qaar waxay sheegayaan in tiradoodu dhan tahay 500 ilaa 600 ka, sidaas darteed waxay hayadaha amingu ka codsadeen shacabka somaliyeed ee ku nool xafada Islii inay soo sheegaan kooxan burcada oo aynan qarinin sababta oo ah in kooxahan ay khatar ku yihiin amaanka iyo xasiloonida xaafada Islii. Hadba marka baaritaanka iyo daba galka koodan soo dhamaado ayaa dowlada kenya kaga goantahay inay koohan u masaafuriyaan Muqdisho oo ah meesha laga soo diray .

Idale News Online