Kenya oo amar kale dul dhigtay xawaaladaha & hantiilayaashii laga xanibay akoonada lacagta

0
200

Nairobi(INO)-Dawladda Kenya ayaa war cusub ka soo saartay xawaaladihii iyo shaqsiyaadkii Soomaaliyeed oo ay xanibtay hantidooda.

xawaaladxawaalad

Qoraal kasoo baxay dawladda Kenya oo loo qaybiyay saxaafada Kenya ayaa amar lagu siiyay in dhammaan dadkii ku soo baxay diwaankii dawladda Kenya ee akoonadooda la xanibay iska xaadiriyaan xarunta la dagaalanka argagixisida ee Kenya oo ku taala xaafadda South C.

Dawladda Kenya waxay sheegtay in dhammaan milkiilayaasha xawaaladah la magac dhabay iyo shaqsiyaadka wareysi lala yeelan doono, wareysigaas oo dhici doona 13-ka ilaa iyo 17-ka bishan April.

Dawlada Kenya ayaa April 07 2015 soo saartay liis ay ku qoran yihiin 86 qof iyo shirkado ganacsi kuwaas oo akoonadooda la xanibay.

Kenya ayaa tallaabadaas qaaday ayada oo ka carreysan weerarkii Al-Shabaab ee jaamacadda Gaarisa, waxaana tani loo arkaa mid ay ku boobeyso hantida Soomaaliyeed.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here