Kenya oo 9 Sarkaal Shaqada ka Joojisay Maxkamadna Saareysa

0
213

Nairobi (INO) – Dowladda Kenya ayaa sheegtahay in ay shaqada ka Joojisay 9 ka mid ah Saraakiisheeda kuwaa oo sidoo kale ay Suuragal ka dhigtay in ay Maxkamad wajahaan.

Teaser Image Kenya oo 9 Sarkaal Shaqada ka Joojisay Maxkamadna Saareysa

Saraakiisha ayaa u badan kuwii Magaalada Gaarisa, Waxaana loo heystaa Dembiyo ay ka mid tahay Daayacaadda Amaanka, kedib weerar ka dhacay Jaamacadda Garissa Billowgii Bishan, Shalay oo Talaado aheyd ayuu ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha Shaqo ka Joojinta Xubnahaas.

Koox ka Tirsan Shabaabka Soomaaliya ayaa Weerar ku qaaday Jaamacaada Garissa ee Gobolka Waqooyi bari, Bishan 2-dii April, waxayna Weerarkaas ku sooceen Ardayda aan Muslimiinta ah aheyn, kedibna waxaa ay dileen 148 qof oo Kirishtaan ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery, ayaa yiri, “Waxaa Socda Baaritaan Horudhac ah oo lagu Sameynayo Jawaabtii ay Laamaha Amaanka Garissa ka Bixiyeen Weerarkaas Saraakiisha Baarista hadda lagu hayo waxaa ka mid ah, Saraakiil Sarsare oo Booliska ka tirsan, kuwaa oo loo Heysto in ay Dheyelsadeen Digniintii Sirdoonku Siiyay ee ku Saabsaneyd Weerarka oo Xogtiisa la helay ka hor intuusan dhicin.

“Waxaan Fursaddan u qaatay in aan u Digo Saraakiisha kale si ay Mas’uuliyad isu Saaraan, uguna qaataan Digniinaha Sirdoonka kuwo Sax ah oo aan laga Aamusi Karin Markii ay soo Baxaan, Qof kasta oo Amaanka ka shaqeynaya ayaa Noqon doona mid lala Xisaabtami doono” ayuu yiri Joseph Nkaissery, Wasiirka Amniga Gudaha Kenya.

Idale News  Online – Garisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here