Muqdisho-(INO)Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya goor dhow uuna ku saxiixnaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Micheal Keating ayaa loogaga hadlay arrimaha doorashooyinkaiyadoo loogu baaqay Madasha Wadatashiga Qaran inay gacan siiyaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada dadban si ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen.
Nuqul ka mid ah qoraalkan oo ay heshay shabakada jowhar.com ayaa ugu horeyntii lagu soo dhoweeyay qaabka doorashada dadban ay u dhacday illaa iyo hadda iyo weliba oggolaanshaha beesha caalamka loo oggolaaday inay goobjoog ka noqdaan shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee 7-8 December ka dhacay magaalada Muqdisho iyo martiqaadka kulanka kale ee lagu ballansan yahay 13ka bishan.
Hase yeeshee qoraalkan oo laga dareemi karo in Qaramada Midoobay ay dhaliilsan tahay wadashaqeynta Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa loogu baaqay Madasha in ay la fariisato guddigan 13ka bishan si loo eego waxyaabaha ugu muhiimsan ee u baahan xalka.
Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray Keating