Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda soomaaliya gaar ahaan ammaanka iyo dib u kabashada.
Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka waxaa kale oo ii diirada lagu saaray hanaanka maalgashiga Talyaaniga oo wakhtigii Dowladii Dhexe maalgalin xoog leh ku sameeyay dalka.
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Danjiraha sidii dib boorka looga jafi lahaa mashruucyo iyo ilo maalgashi oo Talyaanigu kal hore ka hirgaliyay deegaanka si gaar ahna in ganacsatada Talyaanigu ay u furan tahay in ay deegaanka maalgashadaan.
Arimaha nabadgalyada ayuu Madaxweynahu Dowlada Talyaaniga ku booriyay in ay sii laba laabaan gaar ahaan taageerada dhinaca ammaanka si xasiloonidu u noqoto mid adag oo aan liiq liiqan.
Dhinaca kale Danjire Carlo Campanile ayaa amaanay dadaalka Jubbaland ee nabadgalyada iyo dib u dhiska isagoo sheegay in ay maalgalin ku samayn doonan deegaanka isla markana dhinaca ammaanka ay Soomaaliya oo dhan wax weyn kala qabanayaan.
Safiirka ayaa booqday Xarumo kala duwan oo ku yaala Magaalada Kismaayo oo ganacsato iyo shirkado Talyaani ah ay gacanta ku hayeen wakhtigii Dowlada dhexe ay talada haysay.