Kismaayo ( INO)-Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay Sarkaal dhalashadiisa ay ku sheegeen Ethiopian oo sida ay sheegeen ka tirsanaa Al Shabaab.
Mas’uul u hadlay maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in Sarkaalka ay soo bandhigeen oo ka soo jeeda Ethiopia kana mid ahaa Xarakada Al Shabaab ay ka soo qabteen deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Magaalada Kismaayo.
Waxaana Jubbaland ay hoosta ka xariiqday in ay waddo baaritaanno ay ku heyso Sarkaalkaas , islamarkaana ay haatan su’aalo weydiinayaan.
Ma jiro ila Madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Masuuliyiinta maamulka Jubbaland ee ku soo adan Sarkaalkaas ay soo bandhigeen.
Ugu dambeyntii,Al Shabaab oo lala xiriiriyay Sarkaalkaas iyaguna kama aysan hadlin , balse Ciidamada Jubbaland oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa muddooyinkii dambe dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka dhan ah Al Shabaab ka waday Gobollada Jubbooyinka.