Ujeedada booqashada Maareeyaha iyo xubanaha wafdigiisa ayaa lagu sheegay inay tahay qiimeyn lagu sameynayo baahiyaha ka jira garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar iyo weliba ammaanka garoonka.
Kusimaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle ahna Madaxweyne ku xigeenka Cali Guudlaawe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ayaa waxaa ay ka wadahadleen sidii hay’ada duulista iyo saadaasha hawada dowlada federalka ay u horumarin lahayd garoomada ku yaal dhammaan deegaanada hoos yimaada Maamulka Hirshabelle.
Kulanka kadib ayuu Maareeye Yuusuf Cabdi Cabdulle saxaafada la hadlay waxana uu sheegay in kulanka ay la yeesheen madaxda dowlad goboleedka Hirshabelle ay isku afgarteen isla markaana ay qiimeyn ku sameyn doonaan garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.
“Waxaan dhowaan dhisi donaa garoonka magaalada Jowhar annagoo la kaashan doono saaxibo badan, sanadka 2018 waxaa noo qorsheysan inaan dayactir ku sameyno garoomada gobolada ku yaala dowlad goboleedyada dalka ka jira.”ayuu yiri Maareeyaha hay’adda saadaasha iyo duulista hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle.
Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Cirka ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdulaahi Maxamed Cali ayaa u mahadceliyay wafdiga uu horkacayay Maareeyaha saadaasha iyo duulista hawada Soomaaliya waxana uu sheegay inay xilli habboon oo maamulka Hirshabelle u dhaqaaqay horumarinta deegaanadooda ay ku soo beegantay booqashada wafdigan.