John Kerry Oo Dib Uga Laabtay Muqdisho Kadib Booqasho Aan Laga Warqabin uu Maanta ku yimid iyo Warar Hordhac Ah

0
214

Muqdisho(INO)-Waxaa Goordhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhoofay Xoghayaha arimaha dibadda dalka Maraykanka John Kerry oo maanta Muqdisho ku yimid Booqasho aan horey looga warqabin.

John Kerry Waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, R/Wasaaraha, Xubno katirsan Labada Golle ee Dowlada iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka.

Xoghayaha arimaha dibadda dalka Maraykanka ayaa intii uu joogay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxa uu kulamo albaabadu u xirnaayeen la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya , R/Wasaaraha, iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Puntiland, Jubba, iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka uu John Kerry uu la qaatay Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ayaan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha looga hadlay , waxaana la filayaa in Madaxda Dowlada Soomaaliya ka war bixiyaan Safarka John Kerry iyo waxyaabihii ay kala hadleen.

Xoghayaha arimaha dibadda dalka Maraykanka oo maalmahan booqasho ku joogay Wadamo kuyaala Qaarada Afrika ayaa lagu wadaa in uu gaaro Dalka Jabuuti halkaas oo Mareykanku ku leeyihiin Saldhigyo Ciidan.

Booqashada John Kerry Maanta ku yimid Muqdisho ayaa noqonaysa kii u horeeyay ee masuul sare ka tirsan Dowladda Mareykanka uu ku tago Soomaaliya tan iyo 1993-dii xilliga uu yimid Madaxweynihi hore ee Mareykanka George Bush.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here