Kismaayo(INO)-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka KMG Jubbaland Cabdullaahi Fartaag ayaa beeniyay in aysan jirin cid ka baxday shirkii ka socday Kismaayo ee lagu soo xulay Xildhibaano uu yeesho Baarlamnaaka Jubbaland.
Janeraal Ismaaciil Fartaag ayaa difaacay dhaliilo loo jeediyay Maamulka Jubba iyo Urur goboleedka Igaad asaga oo ku amaanay Igad in ay qabatay shaqo wanaagsan iskuna xirtay Dadka iyo Maamulka.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka jawaabayay hadalo ay magaalada Muqdisho ka jeediyeen ugaaska mid ka mid ah beelaha dega Jubbaland oo kasoo baxay shirka, sheegeyna in cadaadis iyo xaq daro lagu hayay.
Idale News Online, Kismaayo.