Jen. Xaamud “Ciidamada Booliska Waxay Heegan Ugu Jiraan Ka Hortaga Weerarada Ka Imaanaya Shabaab”

0
254

Muqdisho(INO)— Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay heegan ugu jiraan, sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada ay soo qaadaan Al-Shabaab bisha Ramadaan.

xaamud

Taliyaha oo u waramayay Idaacada BBC-da ayaa sheegay inay ka digtoon yihiin weerarada Al-Shabaab doonayaan in shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateen, waxaana uu xusay in ciidamadana xaqiijin lahaa amniga ay Muqdisho ka shaqo bilaabeen.

“Ciidamada waxay heegan ugu jiraan, sidii nimankaas nabad diidka ah ee bisha Ramadaan marka la gaaro weerarada soo qaada sidii looga hortagi lahaa, waxaana diyaar u nahay inaan shacabka garab istaagno”ayuu yiri Jen. Xaamud

Jen. Xaamud ayaa sheegay in ciidamada booliska ay baro kala duwan ku leeyihiin magaalada Muqdisho, si ay u sugaan amniga, waxaana uu tilmaamay in ciidamada ay ku dadaalayaan sidii ay weerarada uga hortagi lahaayeen.

Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay kordhineyso weerarada bisha Ramadaan, waxaana shalay oo bisha Ramaan ay aheyd maalintii koowaad weeraro ka geysteen degmada Cadaado, duleedka degmada Luuq, iyadoo xalay weeraray saldhigyo ciidamada ku lahaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here