Dhageyso:Nicholas Kay Oo Sheegay In Shir Ku Saabsan Hiigsiga 2016 Uu Bisha July Ka Furmi Doono Muqdisho

0
231

Muqdisho(INO)- Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in dhamaadka bisha July ee soo socoda uu magaalada Muqdisho ka furmi doono shir looga hadlayo Hiigsiga 2016.

kay

Mr Kay oo booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shirkan ay isugu imaan doonaan Maamul goboleedyada, dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka.

Danjire Nicholas Kay ayaa rajo ka muujiyay in xal laga gaaro muranka ka jira dhismaha Baarlamaanka Jubba, waxaana uu xusay inay wada fariisan doonaan dhowaan Guddigii Xukuumadda u saartay arrintan iyo Maamulka Jubba.

Danjire Kay ayaa shalay kula kulmay magaalada Kismaayo Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, isagoo xusay inay ka wada hadleen arrimo badan, waxaana uu xusay inuu soo dhoweynayo in Axmed Madoobe diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Guddiga Wasiirada ee loo saaray inay la fariistaan maamulka Jubba, si xal looga gaaro muranka ka taagan Baarlamaanka Jubba oo dhowaan Baarlamaanka Federaalka uu sharci darro ku tilmaamay.

Maamulka Jubba ayaa ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Federaalka, kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ay ansixiyeen mooshinkii laga keenay dhismaha Baarlamaanka Maamulka Jubba.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho, Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here