Itoobiya oo wada hadal siineyso Dowladda Federaalka iyo Puntland

0
181

15752

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Haile Mariam Desalegne ayaa sheegay inay diyaar u yihiin dhexdhexaadin ay ka dhex sameeyaan dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Mr Hailemariam, ayaa sheegay in wadankiisa uu isku dayayo dib usoo celinta xiriirka ka dhaxeeya maamulka Puntland iyo dowlada Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in sameynayaan qorshahaasi.

Hadalka Ra’iisul waasaraha dalka Ethiopia ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii dalkaasi uu kasoo laabtay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, iyadoona ay wararka qaar sheegayaan in C/raxmaan Faroole uu ka imaaday Codsiga ah in lala heshiisiyo Xukuumadda Madaxweyne Xassan Sheikh.

Maamulka Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen dowlada Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay ka waayeen dano badan oo ay ka lahaayeen.

Sidoo kale maamulka Puntland waxa uu qaadacay ka qeybgalka shir looga hadlaye mustaqbalka Soomaaliya oo kusoo dhamaaday shalay Magaalada Muqdisho,kaasi oo ay Puntland ku tilmaameen mid Dowladda Soomaaliya kaliya ku eek.

Madaxweynaha Puntland oo goor sii horeysay la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya wadahadal hadii ay la galayaan ay ku xiran tahay shuruud,taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay in qodobada laga bedelay Dastuurka Soomaaliya sidoodii lagu soo celiyaa.

Idale  News Muqdisho