Dalka Maleesiya waxaa lagu qabtay xaflad lagu daah furayya Iskuul u gaar u ah carruurta Somaliyeed ee dalka Malaysia.
Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen aqoonyahano Somaliyeed ayaa lagu qabtay mid ka mid ah xafadaha ay aadka ugu badan yihiin Soomaalida ee Dalka Malaysia.
Daahfurka xafladda waxaa joogay qaar ka mid ah madaxda safarada Soomaalida ee dalka Malaysia, Gudoomiyaha Jaaliyadda ee dalka Malaysia, guddoonka Midowga ardayda Soomaaliyeed, Aqoonyahanno iyo waalidiin.
Mu’asaska Madarasada ahna xubin ka mid ah Gudiga Madarasada Abdi Fatah Mohamed Abdulle “Farey” ayaa ku nuux nuuxsaday in madarasadan cusub furitankeeda ay waqti ku qaadatay si jiilka Soomaliyeed ee soo koraya ay u helaan jaanis ka wanagsan kan ay hada heeystan oo inta badan ay caruurta faa’ido ku helin.
Mamulaha madarasada Cusub Abdalla C/qaadir oo ka hadlayay sababaha keenay furitaanka madarasada cusub ayaa wax lagu farxo ku tilmamay in caruurta Soomaaliyeed ay isku helaan meel ay si wadar ah ugu wada baranayaan culumta diiniga ah iyo midda maadiga ahba, waxaana madarasada cusub ay meesha ka saaraysa ciririgii waxbarasho xumo ee dhalaanka Soomaaliyeed ku heeystay dalka Malaysia.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia Dr. Mahamuud Shariif oo ka mid ah aqoonyahanada inta badan goob jooga u ah xaladaha Soomaalida Malaysia ayaa wax lagu faano ku tilmaamay in dhalin dalka Malaysia u Timi waxbarasho ay maanta u tafaxeeytan in ay soo saaran jiilka Soomaaliyeed ee qaxa iyo qurbahaba ka yimid, iyagoo ku barbaarinaya dhaqankeena suuban iyo sunnadii Nabiga, wuxuuna kula dardaarmay waalidiinta Soomaaliyeed in ay ka faa’ideeystaan jaaniskan ilmahoodana ku kantaroolan waxbarashada.
Madarasadan Cusub ee Logu Magac Daray SOMALI COMMUNITY LEARNING CENTER ayaa qayb ka noqonaya iskuulada ay qoomiyadaha wadamada kale ee dalka Malaysia ku nool ay leeyihiin, wuxuuna sidoo kale noqonayaa iskuulkii ugu horeeyay ee ay Soomaalida u madax banan tahay xilli inta badan Soomaalida ay dhigtaan iskuulo qowmiyado wadamo kale ay leeyihiin.