Isgaarsiinta Degmada Saakow Ee Gobolka Jubbada Dhexe Oo Hawada Laga Saaray

0
273

Saakow (INO) – Kooxda Al shabaab ayaa Hawada ka saartay Isgaarsiinta qeybo kamid ah Gobolka Jubbada Dhexe, xilli Shacabka ay Noloshooda tahay mid ku tiirsan Adeegyada kala duwan ee Taleefoonka.

Teaser Image Isgaarsiinta qeybo kamid ah Gobolka Jubbada Dhexe oo Hawada laga saaray

Wararka Idale News Online  helayso ayaa sheegay in Al shabaab ay Guud ahaan Isgaarsiinta Degmada Saakow & Deegaano kale ay Hawada ka saareen, iyadoo aysan jirin wax Sabab ah oo ka danbaysa Talllaabadaasi.

Mudo 24 Saac Shacabka Degmada Saakow waa Isgaarsiinta la’aan waxaana Hakad galay Ganacsiga oo ku tiirsanaa Lacagaha lagu qaato Taleefoonka ee loo yaqaano EVC, kaasi oo Baahi badan dadka u qabaan maadaama aysan Lacag Cash ah haysan.

Dadka Maamula Xaruumaha Shirkada Isgaarsiinta ayaa ugu hogaansamay Amarka Al shabaab, waxayna demiyeen Adeega Isgaarsiinta Degmada Saakow iyagoo aan la siinin Mudo cayiman oo Amarkaasi ku egyahay.

Al shabaab ayaa  inta badan looga bartay inay Hawada ka saarto Isgaarsiinta Goobaha ay maamulaan, iaygoo markaasi ka leh Ujeedooyin kala duwan oo kamid yahay inay uga hortagaan Duulaan kusoo wajahan iyo in Shirkadaha isku khilaafaan Lacago Canshuur ah oo ay kusoo rogaan.

Idale News Online – Saakow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here