Afgooye (INO) Ciidamo ka wadatirsan Military-ga Soomaaliya iyo Nabad Sugida ayaa maalintii shalay ku dagaalamay Duleedka magaalada Afgooye, Waxaana Iska Hor imaadkan dhexmaray Ciidanka Dawlada ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii Ciidamada Nabad Sugida degmada Afgooye Liibaan Abiikar Yuusuf.
Taliyaha la dilay ayaa la Xaqiijiyey inuu maal-mihii ugu danbeeyay degmada Afgooye ka waday Howl-galo lagu qaadayo Isbaarooyinka oo ay intooda badan dhigtaan ciidamada Mililatariga Soomaaliya.
Dhinaca kale Ugu yaraan saddex ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen weerar ay Habaynkii Xalay Al-Shabab kusoo qaadeen degaanka Mukayga ee magaalada Afgooye.
Saraakiisha dawladda ee Afgooye ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay soo weerareen saldhiggaasi 2-dii habeennimo.
Afar baabuur oo ay lahaayeen ciidanka Dawlada Soomaaliya halkaasi ku sugnaa ayay qabsadeen Ciidamadii Al-Shabab ee Weerarka soo Qaaday.
Cabdullaahi Maxamed Xaaji Cali oo ah Taliye Ku Xigeenka Booliska ee Afgooye ayaa sheegay in ciidanku ay dib usoo qabsadeen laba ka tirsan baabuurtaas.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online,Afgooye.