Baladweyne ( INO)-Guddoomiyaha degmada Baladweyne Max’ed Cabdi Macallin Qalaafow oo wareysi siiyay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay isbedel lagu sameeyay Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
Macallin Qalaafow ayaa tilmaamay in Ciidamada Jabuuti ee horay u joogay degmada Baladweyne la bedelay lana keenay booskooda ciidamo cusub oo Jabuutiyaan ah sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Baladweyne ayaa ku sheegay ammaanka degmadaas mid aad u wanaagsan islamarkaana wax badan ay ka qabteen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.
Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu guddoomiyuhu soo hadal qaaday dagaal maalin ka hor duleedka Magaalada Baladweyne ku dhexmaray Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda Federaalka oo garab milatari ka helaya Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ethiopia.
“ waan jabinay , koox Al Shabaab ah oo dooneysay in ay carqaladeeyaan howlgal aan ka wadnay deegaanno ku dhow dhow Baladweyne khasaaro ayaana gaarsiinay, dhankeena wax khasaaro ah oo na soo gaaray ma jiro” ayuu yiri Macallin Qalaafow guddoomiyaha Baladweyne.
Si kastaba Ciidamada Jabuuti oo qeyb ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa ka howlgala Gobolka Hiiraan.
Idale News Online, Baledweyne