In ka badan 50 haween oo laga musaafurinayo magaalada Kismaayo

0
226

Kismaayo(INO)— Saraakiisha Nabadsugida maamulka Jubbaland ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka musaafurinayaan illaa 60 haween oo ay sheegeen inay yihii xaasaska saraakiisha Al-Shabaab.

Howl gallo ciidamada nabadsugida Kismaayo ka sameeyeen xaafadaha ayaa waxay ku soo qabteen haweenkan, iyadoo loo musaafurinayo deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Axmed Carab oo ka tirsan Saraakiisha Nabadsugida Maamulka Jubba ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku howlanaayeen sidii ay ku soo qaban lahaayeen haweenkaan, isla markaana la musaafurinayo.

Waxaa uu ku eedeeyay in haweenkaas ay fududeyn jireen falalka amni dari ee ka dhaca magaalada Kismaayo, isla markaana Maamulku goostay in la musaafuriyo.

“60 Haween ah oo xaasaska Al-shabaab ayaa gacanta ku dhignay, magaalada ayey deganaayeen, waana la musaafurinayaa, waxaana loo dirayaa meelaha Shabaabka ay joogaan”ayuu yiri Axmed Carab.

Meelaha haweenkaas loo musaafurinayo waxaa ka mid ah Jilib, Kamsuuma, Bu’aale iyo meelo kale.

Maamulka Jubbaland ayaa horay ugu hanjabay inay tallaabo ka qaadayaan xaasaska rag ka mid ah Al-Shabaab oo ku nool Kismaayo, waxaana si rasmi ah loo ogeyn in haweenkan la qabtay ay yihiin xaasaska rag ka mid ah Al-Shabaab.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa horay uga dhacay qaraxyo, waxaana qaraxii u dambeeyay uu ahaa mid todobaadkii hore ka dhacay xero ciidamada daraawiishta Maamulka Jubbaland ku sugnaayeen.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here