DEG DEG: Shirkii wada tashiga oo la soo gaba gabeeyay iyo Qodobo lagu heshiiyay.

0
222

Muqdisho(INO)— Waxaa goor dhow la soo gaba gabeeyay shirkii wada tashiga ee looga hadlayay arrimaha doorashooyinka sanadka 2016, iyadoo Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay heshiis ka gaareen qodobadii xasaasiga ahaa ee shirka looga hadlayay.

Shirka ayaa laga soo saaray war murtiyeed, inkastoo aan si rasmi ah u helin war murtiyeedka, ayaa hadana waxaa muuqata in Madaxda ay isku afgarteen in la sameeyo madal wada tashi oo ay ka kooban yihiin dowladda Federaalka, maamul goboleedyada, Baarlamaanka iyo bulshada rayidka.

Mid ka mid ah ergada shirka ka qeyb galeysa ayaa sheegay in inkastoo aan gudaha loo gelin arrimihii kale ee Maamulada Puntland iyo Jubbaland ka cabanayeen, hadana waxaa si qeyb ahaan la isku raacay qaabka loo wajahayo marka uu dhamaado waqtiga dowladda hada jirta.

Madasha wada tashigan ayaa waxay shirkooda u horeeya yeelan doonaan bisha October ee soo socota, waxaana ay ka tashan doonaan sidii loo diyaarin lahaa hanaanka doorasho ee sanadka 2016..

Waxaa kaloo qodobada lagu heshiiyay ka mid ah in bisha Janaayo ee sanadka 2016 lagu dhawaaqo habka loo soo dooranayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka, kaasoo ahaa qodobada ugu xasaasinaaa ee lagu muransanaa shirka oo aheyd cida awooda u yeelaneyso soo xulida Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Idale News Online, Muqdisho

Email: Idalenewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here