In ka badan 5 Ruux oo lagu Dilay Weerar ka dhacay Magaalada Mandheera

0
283

Muqdisho (INO)—Ugu yaraan 6 Ruux ayaa ku dhimatay, 4 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii weerar lagu qaaday labo Gaari oo ku socdaalayay Magaalada Mandeera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Wararkan oo ahaa mid qorsheysan islamarkaana ay fuliyeen Kooxo hubeysan lagu sheegay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab ayaa lagu beegsaday labo Gaari oo ka soo ambabaxay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya, islamarkaana ku soo wajahnaa Magaalada Mandeera.

Guddoomiyaha Maamulka Magaalada Mandheera, Fredrick Shisia ayaa xaqiijiyay in Weerarkaasi lagu qaaday  Gaadiid ku soo wajahnaa Magaalada Mandheera waxuuna sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 6 Ruux.

Fredrick Shisia ayaa sheegay in Weerarkaasi uu gaadmo ahaa, isagoona qeexay in ay socdaan baaritaano ku aadan soo qabashada Kooxihii ka dambeeyay falkaasi.

Boqolaal ka mid ah Xoogaga Militariga Dalka Kenya ayaa la soo dhoobay Degaanada ku dhow Xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya maadaama halkaasi ay weeraro gaadmo ah ka geystaan Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Ugu dambeyntii Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Weerarkan lagu qaaday labadaasi Gaari oo marayay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay