Tiro dad ah, isla markaana taagyeera maamul lixda gobol ayaaa maanta xuryadooda dib u heley, ka dib markii shaley ay ciidamada amaanka magaalada baydhabo ay xabsiga u taxaabeen, ayadoo cabirayey fkirkooda, isla markaana diidina dhisma maamul ka kooban 3Gobol.
DadKa laga soo daayey xabsiga ayaa la sheegey in lagu sii daayey damiin ,aydoona xarigooda ay cambaarayey xildhibaano ka tirsan baarlamanka soomaaliya.
Dhanka kale waxa maanta kullan isugu yimi maamulka madoobe nuunow uu hogaamiyo, waxeyna sheegeen in dhibaato kasta oo ka dhacda baydhabo ay masuuliyadeen leedahay dowlada soomaaliya waa sida ay hadalka u dgigeen.
Madoobe nuunow oo hadal ka jeediyey kulankasi,ayaa ugu baaqeey taagyeeriyashiisa inay is dajiyaan isla markaana aaney maamulkisa waxba u dhimeynin shi rka ka furmey magaalada baydhabo.
Sikastaba ha ahaatee maamulks lixda gobol ayaa muuqda mid sii quusayo maalinba maalinta ka dambeyo, ayagoona looga adkaadey dhanka diblo maasiyada.