In ka badan 100 ruux oo ku geeriyootay Duqeyn lagu garaacay Magaalooyinka Idlib iyo Xalab

0
184
Muqdisho(INO)- Wararka ka imaanaya dalka Syria ayaa sheegaya in ka badan 100 ruux inay ku geeriyoodeen Duqeyn Diyaaradeed oo lagu garaacay Magaalooyinka Idilib iyo Xalab oo ka tirsan dalka Syria.

Suuq ku yaalo Magaalada Idlib ee dalka Syria ayaa waxaa la sheegayaa inay ku geeriyoodeen dad gaaraya 60 ruux oo shacab ah, kadib markii Diyaarado Dagaal Duqeynta ay la dhaceen Suuqaasi.

Waxaa la sheegayaa Xilliga Duqeynta ay dhaceysay dadka inay ku guda jireen isku diyaarinta Ciidul Adxa oo Saacado ay ka dhiman yihiin, waxayna ahaayeen dadkaasi kuwa dukaamaysanaayay.

Sidoo kale 48 ruux ayaa lagu dilay Duqeyn culus oo ka dhacday Magaalada Xalab ee dalka Syria, waxayna duqeymahaan oo dhan imaanayaan, xilli Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka ay ku dhawaaqeen Xabad joojin.

Wararka ka imanaya magaalada Idlib ee ku taalla woqooyiga galbeed ee dalka Suuriya, ayaa sheegaya in dadka dhintay ay dumar iyo caruuri ku jireen.

Dhanka kalena waxaa sii kululaaday dagaalka dhulka ah ee ku dhex maraya ciidamada dowladda iyo dableyda mucaaradka ah mgaalada Xalab.

Warar laga helayo xukuumadda Suuriya ayaa iyaguna sheegaya in ciidamada dowladdu ku sii siqayaan magaalda Caamiriya iyadoo diyaaradaha dagaalka ee dowladuna duqaynayaan goobaha ay mucaaradku ka taliyaan.