In ka badan 10-ruux oo Xildhibaano, saraakiil iyo siyaasiyiin ku jiraan oo ku geeriyooday weerarka Hotelka Saxafi

0
224

Muqdisho (INO)— Warar horu dhac ah ayaa ka soo kordhaya khasaaraha ka dhashay weerar saaka waabarigii hore Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka in ka badan 10-ruux ayaa ku geeriyootay weerarka, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka ku dhintay weerarkaas ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, saraakiil iyo diblomaasi ajnabi ah.

Inkastoo khasaaraha ay isa soo tarayaan, hadana warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in dadka dhintay uu jiro Xildhibaan Abtidoon, Xasan Abshir Faarax oo dhowaan iska casilay Xubinimada Baarlamaanka iyo kuwa kale.

Sidoo kale dadka ku dhintay weerarka waxaa ku jira C/rashiid Shire Ilqeyte oo ah Milkiilaha Hotelka Saxafi, Abaanduulihii hore ee Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-Badan oo la sheegay inuu la dagaalamayay dableydii hubeysneyd.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhowr Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale laga soo saaray Hotelka oo uu ku jiro Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf, Xildhibaanad Suuri iyo kuwa kale.

Wariye iyo Camerraman ayaa ka mid ahaa dadka wax ku noqday weerarka, waxaa ka mid ah Wariye Mustaf Safaana oo u shaqeynayay Idaacada Shabelle, kaasoo la sheegay inay ku dhinteen qaraxa labaad.

Xaalada Hotelka ayaa wali deganeyn, inkastoo mararka qaar rasaas la maqlayo, iyadoo Isbitaalada Muqdisho la geeyay dhaawacyo fara badan oo dad siyaasiyiin ku jiraan.

Wadada hor marta Hotelka iyo agagaaraheeda ayaa ah mid xiran, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan.

Ciidamada ammaanka ayaa wali isku dayaya inay xaalada ammaanka ee Hotelka xaqiijiyeen, waxaana ay gudaha iskula jiraan tiro ka mid ah dableydii hotelka hubeysneyd oo ay rasaas is dhaafsanayaan.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here