Dhageyso: In ka Badan 10 Ruux oo Ku Dhaawacmay Madaafiic Lagu Garaacay Magaalada Afagooye

0
260

Afgooye (INO)—Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Sh. hoose aya sheegaya in Madaafiicda oo lagu qiyaasay ilaa 8-madfac qaar ka mid ah ay ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad rayad ah oo ku yaala xaafada Xaawo-Taako ee dagmada ee Afgooye.

Cabdicasiis Maxamed Sheekh oo ka mid ah dhalinyaradii dhaawacyada gaarsiinayay xalay ilaa saakay goobaha caafimaadka aya sheegay in Madaafiicda ay ku dhaawacmeen ilaa 11-ruux oo ay ka mid ahayd hooyo da’ ah oo firirka madfac ku soo dhacay gurigeeda uu dhaawacyo halis ah gaarsiiyay taasi oo lala gaaray xarumaha caafimaadka degmada Afgooye

Waxa uu tilmaamay in shacabka dagmada ay isu gurmanayeen inta ay dagmada ku socdeen hoobiyeyaasha isla markaasina uu yaraa gurmadka caafimaad ee loo sameeyay dadka ay dhaawacyadu soo gaareen isla markaasina qar ka mid ah dadka dhaawacyada Culus qaba ilaa haatan aan loo helin Xarumo Caafimaad oo lagu daweeyo

Mamulka Gobolka iyo kan degmada Afgooye oo aanu la xiriirnay ayaa ka gabsaday inay sharaxad guud ka bixiyan kaalinta ay maamul ahaan ka qateen gurmadka dadweynaha xiliga ay hoobiye-yaasha ku soo dhaceen xaafada Xaawo Taako ee dagmada Afgooye, waxaana xusid mudan in Amniga dagmadaasi uu maalmihii la soo dhaafay faraha ka sii baxayay isla markaasina ay ka dheceen weeraro qorsheysan oo ay sheegteen Al-Shabaab.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here