Bujanbura(INO)— Ku dhowaad 34 meyd ayaa maanta laga helay wadooyinka Caasimada Bujumbura, iyadoo uu sii socdo rabshadaha ka taagan dalkaas.
Wariye ka tirsan BBC-da ayaa sheegay meydadka 21 ruux uu ku arkay hal degmo oo ka tirsan magaalada Bujumbura.
Sidoo kale saraakiil ayaa iyana sheegay in 13 meydad kale lagu arkay goobo kale, waxaana dhamaan meydadkan ay u muuqdeen dhalinyaro lagu dilay rasaas.
Qaar ka mid ah meydadka la arkay ayaa garbo-duub u xirnaa, waxaana loo maleynayaa in dilalkan ku lug leeyihiin ciidamada ammaanka.
Meydadka ugu badan ayaa laga helay maanta oo Sabti ah degmada Nyakabiga, halkaasoo ay ka dhaceen dibad baxyada ka dhanka ah dowladda.
Saddex xero milateri ayaa maalintii shalay waxaa weeraray dabley hubeysan, iyadoo afhayeen u hadlay Milateriga uu sheegay inay dileen 12 ka mid ah dableydaas, halka ay gacanta ku dhigeen 20 kale.
Rabshadaha iyo xasilooni darada ka taagan Burundi ayaa sii xoogeystay wixii ka dambeeyay markii Madaxweyne Peire Nkurunziza mar saddexaad loo doortay.
Idale News Online, Bujabura