Howlgallo Laga Sameeyay Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool

0
230

Xudur ( INO)-Guddoomiye ku xigeenka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Mustaf Aadan Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ka warbixiyay Howlgal Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen degmadaasi Xudur iyo nawaaxigeeda.

Mr Mustaf Aadan ayaa xusay in Howlgalkaan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Nabad Gelyada degmada Xudur ee Gobolka Bakool isagoo aan faah faahin cid ay ku soo qab qabteen Howlgalkaasi.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka dowladda Federaalka ay billaabeen Howlgallo ay dib ugu furayaan waddooyinka soo gala degmada Xudur ee Al Shabaab ay xannibeen.

Gobolka Bakool ayaa inta badan  laga dareemaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay isaga soo horjeedaan Ciidanka dowladda Federaalka oo taageero milatari ka helaya AMISOM iyo dhinaca kale Al Shabaab.

Howlgalladaas Gobolka Bakol ayaa saameyn waxa ay ku yeeshaan dadka shacabka ah ee degan deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here