Muqdisho:Ciidamada DF Somalia ayaa waxa ay soo gaba gabeeyeen howlgal xoogan oo ay maanta ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Howlgalkii maanta oo laga sameeyay deegaanada kala ah Yaaqshiid iyo Heliwaa ayaa waxaa lagu soo qabtay dad weyne aad u tira badan.
Ku dhawaaad boqol qofood oo lagu soo qabtay howlgalkaas ayaa waxaa laga geeyay xarunta ciidanka Nabad Sugida ee KM4 (C-I-D) iyaga oo baaritaano lagu sameyn doono.
Howlgalkaan ayay ciidamada Ammaanka waxa ay sheegeen in ay ugu tala galeen in lagu xaqiijiyo amaanka guud ee gabalka Banaadir.
Gudoomiyaha degmada Heliwaa ayaa sheegay in Howlgalkaan uu noqon doono mid socon doono todobaadyadaan si loo soo qabto kooxaha amni xumada wada.
Idale News Online, Muqdisho.