Afgooye(INO)- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta uu ka socdo Howlgal gaar ah.
Howlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya Ciidanka Dowladda Federaalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM, waxaana uu ka socda xaafadaha ay kooban tahay Degmada Afgooye.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee horkaceysa Howlgalkan oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ujeedka Howlgalkan uu yahay sdiii loo sugi lahaa Amniga Degmada Afgooye oo maalin ka hor uu ka dhacay Dagaal.
Maalintii Talaadada ayay aheyd markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay mudo saacado ah heysteen Degmada Afgooye, kadib weerar Qarax ku bilowday ay ku soo qaadeen saldhiga Degmada Afgooye, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamay.