Howl gallo baaritaano oo ka socda degmada Afgooye

0
182

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada kala duwna ee dowladda ay saaka howl gallo ballaaran oo baaritaano guri guri ah ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaas.

Ciidamada oo isugu jira booliska iyo Milateriga ayaa saaka xiray qeybo ka mid ah degmada, waxaana baadigoob loogu jiraa dagaalamayaal la tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay gudaha u soo galeen Afgooye.

Howl galada saaka ka socda Afgooye ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadka, waxaana xalay ka jiray degmada cabsi ku aadan weeraro Al-Shabaab ku soo qaadaan.

Maalintii shalay ayay aheyd markii weerar is qarxin ah lagu qaaday xarun Ciidamo uu tababaray Imaaraadka Carabta ku leeyihiin degmada Afgooye.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay degmada Afgooye ay ku dileen askar fara badan oo ay ku jireen tababarayaal Ajnabi.

Xaaladda ammaan ee degmada Afgooye ayaa muddooyinkii u dambeeyay faraha ka sii baxayay, waxaana ka dhacayay qaraxyo iyo weeraro Al-Shabaab ka geysanayeen.