Hordhac: Barnaamijka Cilmiga Xanaanada Xoolaha Qeybtii 1aad

1
986

Xoolaha: waa noole leh dareen iyo dhaqdhaqaaq iskooda ah(voluntary movement),oo ay u baahan yihiin( oxygen);iyo calaf(organic food). calafku waxaa laga soo jeebey ama laga keeney dhirta, waxeyna  u baahan yihiin daryeel ama ilaalin, cunto siin iyo biyo; si looga helo manaafacaad sida; hilibka,caanaha,subaga,haraga iyo burcadka.

Xoolahu waxaa lagu dhaqdaa daafaha aduunka oo dhan gaar ahaan waxey laf dhabar u yihiin dhaqaalaha dalka soomaaliya. xoolahu way xanuunsadaan sida aadanaha oo kale , waxeyna u baahan yihiin daryeel caafimaad,silooga helo manaafacaad.waxeyna dadka qaar ay  u isticmaalaan gadiid ahaan, qodista beeraha iyo soo saarista biyaha  ee ceelasha dhaadheer.

Dadka iyo xoolahu waxa u dhexeeya oo kaliye waa garaadka waa sida ay aamin san yihiin culumadda sayniska xoolaha. wax soo saarkooda waxa saameyn ku leh degaanka ama bay’adda ay ku nool yihiin iyo habdhiska dhulka (topography).

Xoolaha aynu ka hadli doono ayaa waxey kala yihiin: Geela,Lo’da Riyaha, Idaha, Dameeraha iyo weliba  Digaaggadda. ayadoo ay jiraan kuwo laysku dhahaa PETES-(Eeyga,bisadda iyo doofaarka) kuwan kamahadli doono madamaa wadankeena aan lagu aqoonin dhaqashadoodi.

 Waa Maxay Cilmiga Xanaanada  Xoolaha?

Cilmigga xanaanadda xoolaha  waa laan kamid ah laamaha sayniska,waxa loola jeeda barashadda daaweynta (treatment),ka hortaga cuduradda xoolaha ku  dhacaa ,baadhistooda(diaganosis) iyo in lala socdo is beladda neefka had iyo jeer. waana cilmi balaaran kaas oo daboolayo baahidda xoolaha,sida; labadda xayawaan ,dab joogda iyo duur joogda( domesticated&wild animals).

Cilmiga xanaanadda xoolaha waxaa si wanaagsan u caawiyaa ama u ilaaliyaa caafimaadka dadka(human health),maadaama ay dadku xoolaha ay ka helaan cad ,subag iyo  caano taas oo saamayn ku yeelanaysa caafimaadkooda.

Waxaa jiraa cuduro Isu gudbo dadka iyo Xoolaha oo la yirahado  “ZONOOTIC DISEASES” waa  Infection ka gudbaa xoolaha una gudbaa dadka  tusaale ahaan (Brucellosis ,Rabies iyo Kuwo kale).

Waxyaabaha aynu Kusoo qaadan doono  Barnaamijka Taxanaha Ah Ee Xanaanada Xoolaha  waxa kamid ah.

  • Waa maxey cilmiga xanaanadda xoolaha?
  • Tariikhadda cilmiga xanaanadda xoolaha.
  • Abla-ableyta guud ee xoolaha nimcooleyda ah (artiodactyla) ah iyo degaagadda.
  • Dhaqashadda xoolaha faa’idooyinka ay leedahay.
  •  Cuduradda guud ee xoolaha
  • Cuduradda xoolaha dalka soomaaliya iyo daaweyntoodi
  • Cuduradda isu gudba dadka xoolaha(Zoonotic Diseases).
  • Calafsiinta xoolaha iyo  Waraabinta
  • Talooyin la siinayo  dadka xoola dhaqatadda ahi iyo kuwa doonaya in ay sameysataa xoolaha.
  • Wax yaabaha la gudboon qof aan ka agdhaweyn dhakhaatiir xanaanadda xoolaha wixii uu sameyn lahaa (where there is no vet).
  • Dhaqashadda degaagadda.
  • Cuduradda guud ee degaagadda.
  • Hababka la isku abaahiyo xoolaha.
  • Xero kasaarka neefka( culling system).
  • Doorashadda neefka tarankiisu wanaagsan yahay iyo kana aan wanaagsaneyn.
  •  Daryeelka neefka irmaanka ah iyo uurleyda.
  • Lisidda xoolaha iyo kuwo kale.

 

W/Q: Xasan Ismaciil Isaaq

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here