Ururka haweenka gobolka Bay oo ay wehliyaan dhalinyaro iyo ganacsatada gobolka Bay oo iskood isku xilqaamey ka shaqeynta nadaafacada, dayactirka iyo weliba qalabeynta hoolka ADC oo loo asteeyey in lagu qabto shirweynaha maamul u sameynta gobolka koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa si xowli ah uga bilowday xaruntaas.
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/09/HoolkaADC.mp3]Hoolka ADC oo ahaa xaruntii Barlamaanka dowladdii kmg ee C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu qiyaasey in 3000 qof ay hal mar fadhi ku yeelan karaan, iyadoo la rajeynaayo in marka dayactirka dhamaado uu halkaas ka furmo shirweynaha looga arrinsanaaya aayanaha iyo mustaqbalka maamul ay yeeshaan lixda gobol ee beelaha Digil & Mirifle taageerayaashooda ay degan yihiin.
Idale News Online, Baydhabo