Hoggaamiyihii Hore ee Cuba Fidel Castri Oo Geeriyooday

0
213

Cuba(INO)- Hoggaamiyihii hore ee dalka Cuba ayaa geeriyooday, isagoo da’diisu ahayd 90 jir, sida uu shaaciyay Telefishinka dowladda Cuba.

Madaxweynaha Cuba Raul Castri oo xilka kala wareegay sanadkii 2008dii, Wuxuu sheegay in hoggaamiyihii kacdoonka Cuba uu geeriyooday saacaddu markay ahayd 10.30 pm xalay wakhtiga Cuba.

Fidel Casri wuxuu dalkaasi xukumayay muddo 50 sano ah, ka dib markii uu afgabiyay kaligii taliyihii Fulgencio Batista sanadkii 1959kii, wuxuuna dalkaasi ku xukumayay nidaamkii shuuciga ahaa, isagoo maxfaladda adduunka ka ahaa muddo 40 sanno mareykan diid iyo nidaamkii Hanti goosadka ee reer Galbeedka.

Fidelo Castro wuxuu ku dhashasy  gobolka Oriente ee koofur bari dalkaasi Cuba, waxaana sanadkii 1953dii xabsiga la dhigay ka dib markii uu hoggaamiyay kacdoon fashilmay oo uu doonayay inuu ku afgambiyo xukunkii Batista, hase yeeshee waxaa la sii daayay Sanadkii 1955dii

Sanad ka dib markii xabsiga la sii daayay wuxuu bilaabay dagaalo jabhadayn ka dhac dowladda, isagoo Saddex Sanno ka dib Afgabiyay Dowladii Batists, xiligaas oo loo magacaabay Ra’isul Wasaaraha Dalkaasi.

Fidel Castri mudadii uu hoggaaminayay wuxuu  ka badbaaday Weeraro iyo dilal qorshaysan oo ay soo maleegeen Hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, isagoo mudadaas ay soo mareen maraykana 11 Madaxweyne.

Gabagabadii, Dadka Soomaaliyeed waxay ku xasuustaan Fidel Castri, Ciidamadii uu soo diray ee ka qaybgalay dagaalkii Soomalaiya iyo Ethiopia Sanadkii 1977dii, kuwaasi oo garab siiyay ciidamada Dergiga ee ka amar qaadan jiray Mingiste haila Maryam.

Idale News Online 2016