Garisa(INO)-22 ka mid ah hoggaamiyeyaasha Soomaalida Kenya ayaa baaq ay wadajir usoo saareen waxa ay dowladda Kenya ka codsadeen in gabi ahaanba la xiro xerooyinka qaxootiga ee dalkaasi, halkaasi oo ay ku jiraan Soomaali badan.
Waxa ay xerooyinka ku eedeeyeen in ay gabbaad u yihiin kooxaha falalka amni darada ka geysta dalkaasi, gaar ahaan kuwii geystey falkii weerarka ahaa ee jaamacadda Gaarisa ee lagu diley 147-da qof.
Aadan Ducaale oo ah hoggaamiyaha isbahaysiga aqlabiyadda ee baarlamaanka Kenya, islamarkaasina u hadlay hoggaamiyeyaashani ayaa sheegey in aysan suurogal ahayn in xerooyinka ay sii furnaadaan, islamarkaasina ay dhacaan falal la mid ah weerarkii jaamacadda Gaarisa , kuwaasi oo dadkii ka dambeeyey ay weerarada kasoo abaabuleen xerooyinka.
Waxa uu sheegey in baarlamaan ahaan ay diyaar u yihiin in ay sharciga badalaan si loo xiro xerooyinka, wuxuuna hey’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobey ka codsaday in xerooyin ay ka furaan meel Soomaaliya gudaheeda ah.
Waxaa hoggaamiyeyaasha kale ka mid ahaa guddoomiyaha Gaarisa Nadiif Jaamac, kan Mandera Cali Robaa, xildhibaan Maxamed Shiidiye, Xildhibaan Maxamed Daahiye, Cabdiraxmaan Coloow iyo Aadan Maxamed.
Muddo dheer waxa ay Kenya farta ku fiiqeysey in xerooyinka qaxootiga ay noqdeen meel ay galaan daka Alshabaab ka tirsan ee falalka amni darro kasoo abaabula halkaasi.
Idale News Online, Garisa