Muqdisho (INO)— Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya ayaa shalay la wareegtay guri ku yaal degmada Kaaraan, halkaasoo lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa, iyadoo ruux doonayay in suumanka qarxa isku xiro ay si iskiis ah ugu qaraxyaday.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in gurigan ay la wareegtay Hey’adda NISA, isla markaana gacanta lagu haayo, ruuxii qaraxa ku dhintay ee doonayay inuu isku xiro, si uu goobo bulshada ku badan tahay isku qarxiyo sida uu yiri.
“Guriga waxaa la wareegay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan NISA, waxaa baaritaan ku socda dad gacanta lagu dhigay oo ah gabadhii uu qabay qofka is qarxiyay, walaasheed, qofkii mootada bajaaj ku qaadi rabay iyo milkiilihii Guriga”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.
Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerar Al-Shabaab damacsanaayeen inay dadka shacabka inay la beegsadaan, xilli maalin jimco aheyd, waxaa uu xusay in ruuxa is qarxiyay uu ahaa wiil dhalinyaro 17 jir ah oo lagu magacaabayay Mustaf Ibraahim Cali Afrax.
“Wuuxuu rabay inuu isku qarxiyo inta uu ummada dhex tago, geed hoostiisa oo ah geedka loo yaqaana Cal garoobka ayuu rabay inuu iskula xiro Suumanka waxyaabaha qarxa ah oo dhaxda uu ku xiranayay markii uu arkay askari ka tirsan NISA oo askarigiina uu weydiiyay meesha maxaa ugu jirtaa markiiba waxaa qarxay ninkii dhalinyarada ahaa ee la dhihi jiray Mustfa Ibraahim Cali afrax oo sidaa aragteenba u kala go’ay dhowr cad ciidanka markiiba baaris ayay sameeyen waxay qabteen ninkii mootada ku qaadi lahaa oo geyn lahaa meel ay dadka ku badan yihiin”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.
Guddoomiye kuxigeenka degmada Kaaraan ayaa sheegay in maalmahan degmada Kaaraan ka jirtay shabakad isku xiran oo waxyaabaha qarxa ku diyaarinayay guri ku yaalla degmada, waxaana uu xusay in qaraxii shalay uu iyaga dhexdooda ku qarxay, inta aanay la aadin bulshada dhexdeeda sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay in la qabtay waxyaabo qarxa oo guriga lagu diyaarinayay, waxaana uu intaa ku daray in ruuxa isku diyaarinayay inuu isku xiro suunka qarxa uu doonayay inuu aado Xeebta Liido, si uu isugu qarxiyo dadka shacabka ah sida uu yiri.
Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa horay digniino uga soo saaray in gurigii laga helo waxyaabaha qarxa iyo hub ay dowladdu la wareegi doonto, iyadoo horay ay jireen guryo lala wareegay oo waxyaabaha qarxa laga helay.
Idale News Online, Muqdisho