Marka(INO)-Waxaa la soo sheegayaa in ciidamada AMISOM ee ku sugnaa qeybo ka tirsan Gobolka Sh/hoose ay banneeyeen deegaano ay horay ugu sugnaayeen oo ay ka mid tahay degmada Jannaale oo ka tirsan Sh/hoose.
Sababaha ka bixitaankooda, waxaa la sheegay in ay la xiriirto heshiisyo ay wada galeen AMISOM & Dowladda Soomaaliya, oo ka dhaqan geli waayey dhanka Dowladda; waxaanna qoddobada lagu heshiiyey ka mid ahaa: in ciidamo hoos taga Dowladda oo ay jidgooyooyin u yaalaan qeyb ka mid ah Sh/hoose, halkaasi laga kaxeeyo, taasoo suurtageli weysay.
Warar kale, oo laga soo xigtay dad ku sugan Janaale waxeey sheegayan in ka bixitaanka ciidamada AMISOM la xiriiro dadka ku dhaqan goobaha ay ciidamadaasi saldhigyada ku leeyihiin oo ku eedeeyeey AMISOM in aysan soo dhaafi karin xerooyinka ay ku sugan yihiin, iyaga oo aan waxba ku soo kordhin deegaanada ay ku sugan yihiin.
Ciidamo taabacsan Xarakada Alshabaab ayaa gaaf-wareegaya goobaha ay ka ka baxeen AMISOM, waxaanna dhici karta inay gacan ku heynta deegaanadaasi la wareegeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku fashilantay in ay abaabusho ciidamo suga ammaanka caasimada & Gobolada ay ilaalada ka hayaan AMISOM, waxaanna sababaha fashilkaasi keenay ay tahay iyada oo aan marna la dooneyn ciidamo xooggan oo Dowladda Soomaaliya ay qorato.
Idale News Online, Muqdisho