Hayadda Mareykan ah oo ku Baaqay in la Joojiyo Xadgudubka qaawaan lagu hayo Soomaalida

0
208

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Mareykanka u qaabilsan dib u celinta qaxootiga sharci darrada ku jooga Dalka Mareykanka ,ayaa ku baaqay in la joojiyo dhibaatada lagu hayo Soomaalida Qaxootiga ku ah Mareykanka.

Marc Moore, oo ah Sarkaalka Hay’addan u qaabil;san Gobolka Florida ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in madaxda sare ee hay’adda loo baahanyahay in ay la xisaabtamaan shaqaalahooda.

Bishii December ayey 92 Soomaali ah laga soo celiyay dalka Mareykanka waxaa la geeyay Dalka Senegal ee Afrika,waxaa haddana dib loogu celiyay Gobolka Florida halkaas oo ay dhibaatooyin badan ka sheegteen.

Soomaalida lagu xir xiray mareykanka ayaa sheegay in dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha loo geystay iyaga oo qabsaday qareenno u dooda,kuwaas oo dacwad ku furay shaqaalaha hay’adda ICE